HomeUncategorized

Dhagayso Maxamed Yuusuf: 382 qof ayaa xabsiyada Puntland isaga jira, dadkaas ma helin cadaalad, waana tacadi

Garowe, 17 - April - 2016 - Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Madaxa-banaan ee Xaquuqul Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku cambaareeyay gabbood-fallo xafiisku uu sheegay in loo gaystay maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.rn

QM iyo Midowga Yurub oo ka Shiraya Qul-qulka Muhaajiriinta Afrikaanka ah
Madaxweynaha Yemen oo sheegay in ay la Hadlayaan kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladdisa
Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii lagu Dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga
Garowe, 17 – April – 2016 – Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Madaxa-banaan ee Xaquuqul Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku cambaareeyay gabbood-fallo xafiisku uu sheegay in loo gaystay maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.
 
Mudane Maxamed Yuusuf ayaa yiri “382 qof ayaa isaga xiran xabsiyada Puntland, waa arrimo inta badan yimaada marka falal amni-darro ay bulsahda Puntland la kulmaan, dadka xirxiran waxay u badanyihiin dad kasoo jeeda gobollada Koonfureed ee dalka, marar badan ayaa hay’adaha qaabilsan arrintaan kala hadalnay, waxaase noo muuqatay in aan dareen-keenna cabbirno”
 
Difaacuhu wuxuu aad u cambaareeyay labo qof oo dhawaan maydadkooda lagu arkay duleedka Gaalkacyo, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in ay xukuumadda kala hadleen in cadaallada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaasi.
 
Halkaan ka dhagayso waraysi uu la yeeshay wariye Xassan Haylkal oo Daljir Boossaaso ku sugan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: