HomeUncategorized

(Dhagayso) Xildhibaan Xoosh Jibriil: Hishiiska Garowe wuxuu ka hor imaanayaa Dastuurka DF

Nairobi, 09 - April - 2016 - Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku qaadacay hishiiskii Garowe, waxaana uu hishiiskaasi ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu xusay awoodaha Dastuurku uu siinayo maamullada dalka.rn

Madaxweynaha dalka oo tilmaamay himilada dowladiisa in ay tahay gaarsiinta nabada gobol walba
Prof. Gaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay inta badan siyaasadeeda ku jihayso amniga dalka
Dhegeysiga khudbadaha musharixiinta oo maanta la soo gabagabayn doono.
Nairobi, 09 – April – 2016 – Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku qaadacay hishiiskii Garowe, waxaana uu hishiiskaasi ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu xusay awoodaha Dastuurku uu siinayo maamullada dalka.
 
Xildhibaan Xoosh ayaa yiri “Arrintaan waaa mid khaldan waxaa hishiiskaan uu meel uga dhacayaa marka ugu horraysa kala qaybsanaanta awoodaha fulinta iyo sharci-dajinta, tan labaad-na waa in maamul goboleedku uu talo ku leeyahay soo xulista aqalka sare, balse awooda waxaa iska leh dadka, Madaxwayne Gaas waxaa uu ka yimaadaa isaga laftirkiisu waa beel, waa muhiim in la xushmeeyo beelaha Puntland wada-daga, awood qaybsigu macneedu ma’ahan in caasumaha maamul-goboleedyada la isugu geeyo, awood qaybsigu waa in maamulka la baahiyo, tani waa sud-bursi uu samaynayo madaxwayne Gaas, waxayna samaynaysaa khilaafaad dhexmara beelaha Puntland”
 
Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay qiimayn-doonaan hishiiska Garowe, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in si gaar ah u eegi-doonaan 1 –  In hishiisku yahay Wadar-ogol, 2 – In hishiisyada madashu aysan xasaasiyad keenaynin amase aysan ka dhalan khilaafaad cusub, 3 – in hishuusku Dastuurka waafaqsanyahay, 4 in hishiisyada aysan midnimada wadanka waxba u dhimaynin.
 
Waxaa khadka taleenka Nairobi ku waraystay wariye Maxamed C/llaahi Cali Kooshin

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: