HomeUncategorized

(Dhagayso) Cadde Muuse: Waan soo dhawaynayaa hishiiska Garowe, waana guul taariikh ah

Dubai, 04 - April - 2016 - Madaxwaynihii hore ee Puntland Maxamuud Muusu Xirsi Cadde Muusu oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa soo dhaweeyay Hishiiska dhexmaray Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay hishiis taariikh ah.

DHEGEYSO-Dagaal beeleed kadhacay qaybo kamid ah gobolka Sool oo xal loo raadinayo.
Dowladda Sweden oo $4 Million Doolar ugu deeqday Dib-U-Dhiska Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Caafimaadka
Cidii Jabisa Heshiiskii Muqdisho lagu Gaaray oo loo Digay

Dubai, 04 – April – 2016 – Madaxwaynihii hore ee Puntland Maxamuud Muusu Xirsi Cadde Muusu oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa soo dhaweeyay Hishiiska dhexmaray Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay hishiis taariikh ah.

“Waan soo dhawaynayaa hishiiska Garowe, waana guul taariikhi ah, waxaana u arkaa si fiican, waxaana u hambalyaynayaa madaxwaynaha iyo R/wasaaraha oo shaqo fiican qabtay, waana guul” Sidaasi waxaa yiri Md. Cadde Muuse.

Mar ay Radio Daljir waydiisay su’aal ahayd hishiiskaan waxaa uu kaga duwanyahay hishiisyadii horay ay u wadagaleen Puntland iyo Dowladda Federaalka ayuu ku jawaabay, “Annigu dhanka Federaalka rajo wayn kama qabo, balse international-ka ayaan rajo ka qabaa”

Waraysigaan oo Mudane Cadde Muuse lala yeeshay isagoo jooga Dubai ayaa waxaa khadka taleefanka ku waraystay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo ku sugan Daljir Gaalkacyo.

Hoos ka dhagayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: