HomeUncategorized

(Dhagayso) Dr Eenow: Hoggaaimaya Caqli Gaab-ka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel isagu uu doonayo

Stockholm, 04 - April - 2015 - Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in lagu deg-dagay hishiiskii Garowe ku dhexmaray DF Iyo Dowladda Puntland. Saadiq wuxuu sheegay hishiiskaan inuu caqabad wayn ku yahay midnimada iyo siyaasadda Puntland.

Madax ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee Somaliland oo magaalada Laascaanood soo gaaray
Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo ka warbixisay Abaarta ka jirta Gobolka oo Dhan
M/weyne Shariif oo shir jaraa?id ku qabtay Muqdisho, kana warbixiyey kulankii uu la yeeshay Hillary Clinton. [Akhris …]

Stockholm, 04 – April – 2015 – Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in lagu deg-dagay hishiiskii Garowe ku dhexmaray DF Iyo Dowladda Puntland. Saadiq wuxuu sheegay hishiiskaan inuu caqabad wayn ku yahay midnimada iyo siyaasadda Puntland. 

Dr Saadiq Eenow oo waraysigiisa uga hadlay dhinacyo kale duwan, waxaa uu sheegay in hishiiskaan uusan ahayn mid aan munaasib ahayn, waxaana uu hdalkiisa raaciyay in nidaamka 4.5 qaadashiisu ay la macno tahay in uu soo noqdo Madaxdwayne Xassan Shiikh Maxamuud.

“Puntland waa dad waacyi ah, mar-kastana wax dhibaato dhexdooda ka abuura ma’ahan dad samaynaya, oraah-baa jirta oronaysa, annigoo ka xun inaan iraahdo Hoggaamiyaha Caqli gaabka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel isagu doonayo, Hogaamiyaha caqli lowga ah-na wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa meel ay iyagu doonayaan, halka Hoggaamiyaha Caaqil-yahanka ah wuxuu dadkiisa u hayaamiyaa halka ay maslaxadoodu taalo” Sidaasi waxaa yiri Dr Saadiq Eenow.

Hoos ka dhagayso Waraysigii oo dhammaystiran. Waxaana waraystay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: