HomeUncategorized

(Dhagayso) Gaas: Xassan Shiikh wuxuu rabay inuu fashiliyo Hishiiska Garowe, balse waan ka hor-tagnay arrintaasi

Garowe, 04 - April - 2016 - Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay war-saxaafadeedkii maantay kasoo baxay xafiiska Madaxwayne Xassan Shiikh ee la xiriiray shirarka Garowe uga socday maalmahaanba DF Iyo Puntland.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Sabti_31
Puntland oo ku gacansayrtay samaynta Shillin Somali cusub, kuna hanjabtay in ay ka hortagayso socodsiinteeda.
?Xildhibaan Afaraale oo ku eedeeyey Puntland tacaddi loo gaystay dadka ka soo barakacay Bay & Bakool.

Garowe, 04 – April – 2016 – Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay war-saxaafadeedkii maantay kasoo baxay xafiiska Madaxwayne Xassan Shiikh ee la xiriiray shirarka Garowe uga socday maalmahaanba DF Iyo Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in aanay saxeexin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dabeeya 2016-ka, sidoo kale sababta ay Puntland hore ugu saxiixi weydey 4.5 ayuu ku micneeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland in ay doonayeen in ay ahayd sidii aan mar dambe dalka dib loogu celin lahaynhannaanka 4.5 isla markaana looga gaadhi lahaa heshiis taariikhi ah oo dammaanad leh, taasina ay ahayd sababta ay xilligan soo gaadhsiisey.
 
“Waxaan aad uga xumahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ka-hordego maanta heshiiskii Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka, waxaana u arkaa runtii in si ulakac ah larabey heshiiska in loo fashiliyo, heshiis kaas oo dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Beesha caalamkuba ya waqti badan geliyeen” Sidaasina waxaa yiri Madaxwayne Gaas.
 
Hoos ka dhagayso Codkiisii oo dhammaystiran

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: