HomeUncategorized

Diyaarad laga leeyahay Masar oo la Afduubay

Bursaalax, 29, March, 2016-(Daljir)_Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air ayaa la sheegay in la afduubtay, xilli ay ka soo kicitantay Garoonka magaalladda Aleskandariya, kuna wajahanayd Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira.

Wareega sadexaad ee Tartan iyo Tacliin oo xalay bilowday iyo Shaafici Bosaaso oo ka guulaystay Nugaal
Qaramada midoobey oo ku baaqday in cadaallada la horgeeyo raggii weeraray arbacadii hotel Jaziira
Taliyaha ciidanka dawlada Somaliya oo ka warramay dagaal ka dhacay Beledweyn oo ay dawlada ka qabsatay Islaamiyiinta. [Dhegaysi …]
Bursaalax, 29, March, 2016-(Daljir)_Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air ayaa la sheegay in la afduubtay, xilli ay ka soo kicitantay Garoonka magaalladda Aleskandariya, kuna wajahanayd Garoonka Caalamiga ee magaalladda Qaahira.
 
In ka badan 80 qof ayaa la socotay Diyaaraddaas oo nooceedu yahay Airbus A320.
 
Afhayeen u hadlay Shirkadda Egypt Air ayaa xaqiijiyey in la afduubtay Diyaaradaasi, isla markaana Duuliyaha lagu khasbay inuu u jiheeyo Diyaaradda Jesiiradda Qubrus.
 
Barta Twitterka ee Egypt Air ayaa lagu sheegay in la qafaashay Diyaaradaasi oo Duullimaadka Nambarkeedu yahay MS181 iyo in wada-xaajood lala bilaabay Afduubayaasha.
 
Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda Qubrus ayaa sheegtay inay Diyaaradaasi soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha ee Larnaca Airport.
 
Ugu yaraan hal qof oo hubeysan ayaa la sheegay inuu soo afduubtay Diyaaradaasi.
 
Ciiddamo xooggan iyo gaadiidka gurmadka iyo kuwa dab-damiska ayaa lagu diyaariyey Garoonka ay Diyaaradda fadhido.
 
Ma kala cadda ujeedada loo afduubtay diyaaradda, cidda afduubtay iyo ujeedada ay leeyihiin.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: