HomeUncategorized

Ganacsade haysta Dhalashada Canada oo lagu Dilay magaalada Muqdisho

Jariiban, 28, March, 2016-(Daljir)_Kooxo hubeysan ayaa waxay maqribnimadii xalay Ganacsade ku dhex dileen Masjid ku yaalla Degmadda Heliwaa’ ee magaalada Muqdisho.

Madax ka socotay Hayadda Kaalmada Jarmalka ee GIZ oo Garowe soo Gaaray
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda federaalka oo tababaranaysa diblamaasiyiin cusub.
(Dhagayso) Barnaamijkii Martisoor wariye_Axmed_Sh._Maxamed_(Tallman)
Jariiban, 28, March, 2016-(Daljir)_Kooxo hubeysan ayaa waxay maqribnimadii xalay Ganacsade ku dhex dileen Masjid ku yaalla Degmadda Heliwaa’ ee magaalada Muqdisho.
 
Marxuumka la dilay ayaa la oran jirey Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad), kaasi oo xilligii la dilay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku dhex akhrisanayey gudaha Masjidkaasi.
 
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay dableyda oo afar qof ka koobnaa ay dhowr xabbadood ku dhufteen Marxuumka, oo isla goobta ku geeriyooday.
 
Dhagar-qabayaashii geystay dilkaasi ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Masjidka, ka hor intaysan Maamulka iyo Ciiddanka Ammaanka ee Degmadda Heliwaa’ soo gaarin Masjidka.
 
Allaha U Naxariistee Marxuumkaasi waxa dhalay Mahad Dirir Guuleed oo ahaan jirey Ganacsade caan ahaa oo hanti badan ku leh Muqdisho.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: