HomeUncategorized

Madaxda Federalka iyo Puntland oo kulamo xasaasi ah ku leh Garowe

Garacad, 26, March, 2016-(Daljir)_Wararka ay helayso warbaahinta ayaa sheegaya in wada-hadal albaabadu u xidhanyihiin uu ka socdo Madaxtooyda Puntland ee Garowe, kaasi oo la xidhiidha kala aragti duwanaashaha geedi socodka Somali ee u dhexeeya Dowladda Federaaliga ah iyo Puntland.

C/gani Ismaaciil, xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka Puntland oo dhaliilay miisaaniyada dawlada ee 2009.
Kenya Oo ku hanjabtay in ay awood u adeegsan doonto hubka dhigis lagu samaynayo deegaanka Baragoi
Gen. Siciid dheere oo xusay in maxkamad la geyn doono askari xabadd ku riday musharax (Dhegeyso)
Garacad, 26, March, 2016-(Daljir)_Wararka ay helayso warbaahinta ayaa sheegaya in wada-hadal albaabadu u xidhanyihiin uu ka socdo Madaxtooyda Puntland ee Garowe, kaasi oo la xidhiidha kala aragti duwanaashaha geedi socodka Somali ee u dhexeeya Dowladda Federaaliga ah iyo Puntland.
 
Madaxweynaha xukuumadda Puntland, Cabdiweli Gaas oo ka hadlayay kulamada ay la qaadanayaan Ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa uu cadeeyay in diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ee Somalia iyo isbedel laga sameeyo siyaasada, kaasi oo u hiilinayo mustaqbalka dalkeena, waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Marka la eego diidmada Puntland ee nidaamka la asteeyay saban horre ee 4.5, ayaa Dowladda Somalia waxaa ay ku howlan tahay sidii xukuumada Gaas looga dhaacin lahaa waxa ay ugu yeedhay qaran dumiska ee 4.5.
 
Lama saadalin karo natiijadda ka soo bixi karta kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Somalia  Cumar Cabdirashiid Cali iyo madaxda Puntland, waxaase gaba-gabada la filaya in qoraal laga soo saaro haddii ay jiran qodobbo labada dhinac ku kala duwan yihiin

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: