HomeUncategorized

(DHAGEYSO) Dadka deegaanka Suuj oo cabanaya

March 26 2016 Suuj waxaa horey ugu dagaalamay ciidamada dawladda Puntland & Maleeshiyada Shabaab oo lagu jabiyey, taas o keentay in ay meydkooda ku guraan Ceelashii Biyaa.

Culimada Puntland oo bilaabay kulamo dadka loogu wacyi-geliyo muhiimada amniga iyo maamulka
?M/weyne Faroole oo ka digay dad qaraxyo maagan oo ku sugan Puntland, kuna baaqay feejignaan.
Siroonka Denmark oo sheegey in ninkii toddobaadkii hore isku miidaamiyay hotel Shaamo ee Muqdisho uu ka tagay Denmark.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Suuj oo ahayd halkii ay ku dagaalameen ciidamada dawladda Puntland & Maleeshiyada Ururka Shabaab ee soo weerartay Puntland ayaa In xaalad biyo la’aaneed ay ka jirto deegaankaas, ka dib markii ay ceelashii deegaanku Is bedeleen, taas oo loo tuhunsan yahay in ay tahay Meydka Shabaab oo ceelasha qaarkood lagu ridey.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay Maleeshiyada Shabaab qaar badan oo kamid ah Meydkooda ay ku gureen Ceelka Suuj, markii laga awood roonaaday, ayna taasi keentay in maanta la cabi-waayo ceelkii ugu biyaha badnaa ee Togga Suuj.

Cali Huruuse Xanaf oo kamid ah odayaal qoysaskooda ay alshabaab aftuubteen intii uu dagaalku socday waxaana uu sheegay in uusan haysan gadiid uu ku guuro meeshana ay ku haysato biyo la,aan baahsan waxaana uu ka codsaday dowladda iyo shacabka inay u gurmadaan isaga 3 qoys oo kale oo goobta ku haray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: