HomeUncategorized

ISIL oo Sheegatay weerarradii Barasalis

Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Shabakadda Wararka ee AMAQ ee ay Daacish leeyihiin ayaa lagu qoray inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi, isla markaana ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Mid ka mid ah la haystayaashii Faransiiska ahaa oo dawladda Soomaaliya u gacan galay. [Akhris …]
DHEGEYSO-Faalo Xasaasi ah oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.
Hawlgallo ammaan oo ka socda Galkacyo & ciidanka oo dad u qabqabtay falalkii amni darro.
 
Garacad, 23, March, 2016 -(Daljir)_Shabakadda Wararka ee AMAQ ee ay Daacish leeyihiin ayaa lagu qoray inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi, isla markaana ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
 
Dhinaca kale, Boliska Beljim waxay baadigoobayaan Nin la sheegay inuu la socday labo kale oo shalay isku qarxiyey Garoonka Diyaaradaha ee Barasalis.
 
Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV kuna rakiban Garoonka ayaa laga dhex arkay raggaasi, iyadoo ninka baxsaday uu ku labisnaa shaar cad, jaakat iyo koofiyad madow.
 
Wargeysyadda dalkaasi waxaa shalay lagu soo daabacay Sawirka nin lagu magacaabo Najiim Lajarooti oo 25 jir ah, kaasi oo Jaal la ahaa Eedeysanaha Saalax Bin C/salaam oo ka dambeeyey weeraraddii Paris ka dhacay bishii November 13-dii ee sannadkii hore.
 
Qaraxyaddii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha iyo Maxadada Tareenadda ee Metro Station ee magaalladda Brussels waxaa ku geeriyootay in ka badan 30 qof, iyadoo 107 kalena ku dhaawacmeen.
 
Xaalladda saakayto ee Brusseles wey deggan tahay, iyadoo ay Ciiddanka wadaan Hawlgalo lagu adkeynayo Ammaanka, laguna baadigoobayo shaqsiyaad ku lug laahaa qaraxyaddii shalay ruxay Brussels.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: