HomeUncategorized

Dastuurka Jubbaland oo wax ka badal lagu sameeyay

Garacad, 21, March, 2016-(Daljir)_Mudanayaasha barlamaanka maamulka Jubbaland ayaa meelmariyey codsigii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee ahaa inay waxkabedel ku sameeyaan dastuurka maamulkaasi.

Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood, sababayna dhimasho iyo dhaawac dad rayad ah.
Wariyayaal u Xirnaa Dowladda Somalia oo la sii Daayay
Guddiga baarlamaanka federaalka u qaabilsan dastuurka oo dhaliilay hab-dhigaalka qorshaha tubta nabadda, soona jeediyey in baarlamaanka la horkeeno.
Garacad, 21, March, 2016-(Daljir)_Mudanayaasha barlamaanka maamulka Jubbaland ayaa meelmariyey codsigii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee ahaa inay waxkabedel ku sameeyaan dastuurka maamulkaasi.
 
Baarlamaanka Jubbaland ayaa Saaka u fadhiisatay Codsiga Madaxwayne Axmed Madoobe waxaana soo xaadirtay 66 Xildhibaan, 7 Xildhibaan ayaa diiday 1 wuu ka aamusay 58 Xildhibaana waxay u codaysayin uu meel maro Codsiga Madaxwaynaha.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo Saxafada la hadlay ayaa ku dhawaaqay in ansax yahay Codsigii uu soo gudbiyay Madaxwayne Axmed Madoobe.
 
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaan weli soodhamaystirin golihiisa xukuumadda wuxuuna wadatashiyo lawadaa beelaha goboladaasi isagoona wada shirar dibuheshiineed.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: