HomeUncategorized

Dhagayso Soocade: Ha sugi-waayina dhimadashada, dhaawaca, iyo maxaabiista Shabaab goor-dhow

Garacad, 20, March, 2016-(Daljir)_Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in lagu kala baxay dagaalkii ka socday togga weyn ee SUUJ kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidanka iyo xooggaga hubaysan.rn

Turkiga oo xoojinaya sii socoshada wada-hadalkii Soomaaliya iyo Somaliland ee ay marti-geliyeen
Waxgaradka deegaanka Cal-Bari oo cambaareeyay dilkii Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf, soona jeediyey in wax laga qabto falkaasi.
Mahad Cawad ?saddex maalmood kadib ayaa baarlamanku ka doodi doonaa qorshaha Bankiga?
 
Garacad, 20, March, 2016-(Daljir)_Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xassan Soocade ayaa sheegay in lagu kala baxay dagaalkii ka socday togga weyn ee SUUJ kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay isku hor fadhiyeen ciidanka iyo xooggaga hubaysan.
 
Soocade waxa uu sheegay inay ciidanku gacanta ku dhigeen maleeshiyadii qaar ka mid ah kuwo kalena lagu dilay togga, dhowaan ayuu sheegay war ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan.
 
Howlgalkii Garacad ayuu wasiir Soocade oo xalay la hadlay warbaahinta ku sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen, dagaalkii maalin ka hor Bad-qado ku dhexmaray ciidanka iyo dagaallamayaasha ayuu sheegay inay wax badan kaga dileen sidoo kale meelihii ay jogeen kala wareegeen.
 
Warar laga helayo dagaal maanta mar kale ciidanka iyo kooxda Al-Shabab ku dhexmaray duleedka Garacad ayaa sheegaya inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ma jirto cid xaqiijiyay tirada labada dhinac.
 
Halkaan ka dhagayso Waraysigii Wasiir Soocade

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: