HomeUncategorized

Al-Shabaab oo Sheegatay Dilka Askar Kenyan ah

Garacad, 20, March, 2016-(Daljir)_Alshabaab ayaa sheegtay inay jidka u galeen Ciiddano Kenyan oo marayey Tuulladda Qooqaani ee Gobalka J/hoose, isla markanaa ay dileen 12 Askari, halka ay 2 kalena nolol ku qabteen.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Buuhoodle)
?Puntland oo soo bandhigtay kooxo burcad badeed iyo tahriibayaal ah oo lagu qabtay xeebta Ceelaayo.
Dowladda Puntland oo Rag Al-shabaab ka tanaasulay ku soo bandhigtay Bosaaso
Garacad, 20, March, 2016-(Daljir)_Alshabaab ayaa sheegtay inay jidka u galeen Ciiddano Kenyan oo marayey Tuulladda Qooqaani ee Gobalka J/hoose, isla markanaa ay dileen 12 Askari, halka ay 2 kalena nolol ku qabteen.
 
Dagaal xooggan ayaa la sheegay inuu labada dhinac dhex maray, iyadoo Ciiddanka Kenya ee la weeraray yihiin kuwo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee ku sugan Degmadda Afmadow.
 
Ma jiraan wax war ah oo ay Dowladda Kenya ilaa haatan ka soo saartay weerarkaasi.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab weeraraan Ciiddamo Kenyan ah, waxayna bishii Janaayo 15-dii weerar ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
 
Dowladda Kenya wey beenisay in 100 Askari looga dilay Ceel-cadde, mana jirto tiro rasmi ah oo ay ka soo saartay weerarkaasi lagu hoobtay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: