HomeUncategorized

AMISOM:Waxan u nimad in Somalia Aan ka xoreynno Al-shabaab

Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Maxamedsha Zayinu ayaa hadalkaasi ku sheegay Hadal Qoraal oo ay AMISOM soo saareen, kadib, markii ay Wafdi ka socday AMISOM dhawaan booqdeen Degmooyinka Biya Cadde iyo Ceel-baraf ee Gobalka Sh/dhexe oo dhawaan lagala wareegay Alshabaab.

Dhagayso Warbixin: Puntland oo biri Boossaaso kusoo dhawaynaysa Kuxiggeenka Danjiraha QM ee Soomaaliya Mr Peter de Clercq
Dhagayso Caawa Iyo Daljir wariye Maxamed Cabdullahi Cali (Kooshin)
DHEGEYSO-Salaad Cali Jeelle oo waraysi xiisabadan siiyey Daljir.
Bacaadweyn, Maarso 14, 2016 (Daljir) —Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Maxamedsha Zayinu ayaa hadalkaasi ku sheegay Hadal Qoraal oo ay AMISOM soo saareen, kadib, markii ay Wafdi ka socday AMISOM dhawaan booqdeen Degmooyinka Biya Cadde iyo Ceel-baraf ee Gobalka Sh/dhexe oo dhawaan lagala wareegay Alshabaab.
 
Waxa uu ugu baaqay Ciiddanka AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda Federalka inay xoojiyaan Iskaashigooda si looga guuleysto Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
 
“Alshabaab haatan wey tabar dareeyeen, mana awoodi karaan inay dagaal toos ah la galaan AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda Federalka” ayaa lagu yiri Hadalka Qoraalka ee ka soo baxay Taliska AMISOM.
 
Ku-simaha Taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Maxamedsha Zayinu waxa uu carrabka ku dhuftay in Jadwalka Shaqo ee AMISOM tahay sidii ay Dadka Soomaalida uga xoreyn lahaayeen Cabsida Alshabaab, loo abuuri lahaa Nabad iyo Deganaansho iyo in albaabadda loo furo Dadka Soomaalida ee Nabadda Jecel” ayuu yiri Sarkaalkaasi oo soo dhaweeyey Isbedelka Nololeedka ee ka muuqda dadka ku nool Degmooyinka Ceel-baraf iyo Biyo-cadde.
 
Ciiddanka Dowladda Federalka iyo Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa haatan ku sugan Degmooyinkaasi oo ay bishii hore kala wareegeen Alshabaab oo iyagu sannooyin badan joogay Degmooyinkaasi

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: