HomeUncategorized

Qaramada Midoobay oo ka Fiirsanaysa in Somaliya ay ka Qaad-do Cuna-qabataynta Hubka ee Saaran

Bacaadweyn, Maarso 12, 2016 (Daljir) —Dalalka ku bahooobay Jaamacada Carabta ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay Somalia ka qaado cunadabataynta saaran ee la xidhiidha hubka, kadib kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibada.

Beledweyn oo maalintii 3-aad ay dagaallo xoogani ku dhex mareen Xisbul Islam & Ahlu Sunna.
War-murtiyeed ka kooban 10 qodob oo ka soo baxay shirkii madaxda federaalka uga socday Uganda.
Aaska Qunsulkii hore ee Somalia u joogey Kenya oo maanta ka dhacay Nairobi.
 
Bacaadweyn, Maarso 12, 2016 (Daljir) —Dalalka ku bahooobay Jaamacada Carabta ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay inay Somalia ka qaado cunadabataynta saaran ee la xidhiidha hubka, kadib kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibada.
 
Cunaqabatayntan ayaa Somalia la saaray sanadii 1992-kii, amminkaas oo hogaamiyayaal badan isku qabsadeen gacan ku haynta magaalo madaxda dalka ee Muqdishu.
 
Xukuumada Xassan Shiekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jirta sidii looga qaadi lahaa cunaqabataynta saaran, si ay ula dagaalamaan xoogaga Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo kamid dalka.
 
War-murtiyeed ka soo baxay Jaamacada Carabta ayaa fariin loogu diray caalamku in Somalia laga cafiyo deymaha lugu lahaa si ay u sura-gasho dalku inuu dib usoo celiyo dhaqaalihiisa.
 
Wasiiradda Arrimaaha Dibadda Carabta ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda Somalia ee dhinaca hormarka dalka dhinac amniga, dhaqaale iyo midka siyaasadeed, waxana ay aragti wanaagsan ku tilmaamen heshiiska lagu gaaray doorashada 2016-ka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: