HomeUncategorized

Kenya oo ku Baaqday in la Qalabeeyo Ciidamada Somalia

Burtinle, 29, Febru, 2016 -(Daljir)_Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa hadalkaasi ka sheegtay magaalladda Jabuuti, wax yar kadib, markii la soo gebagebeeyey Kulankii Madaxda Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku yeesheen Jabuuti.

M/weyne Faroole oo shir xog warran & wadatashi ah la yeeshay Issimada beesha Absame ee ku sugan Nairobi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo lakulmay bulshada kunool Jigjiga.
Masar oo soo bandhigtey qorshe ay ku dhexdhexaadineyso garab ka mid ah mucaaradka & dawladda Somaliya. [Akhris …]
Burtinle, 29, Febru, 2016 -(Daljir)_Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa hadalkaasi ka sheegtay magaalladda Jabuuti, wax yar kadib, markii la soo gebagebeeyey Kulankii Madaxda Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku yeesheen Jabuuti.
 
Waxay tilmaamay inay muhiim ahayd in dib loo eego Wax-ku-oolnimadda Hawlgalka AMISOM iyo in  la dejiyo Shaxda dhabaha la hiigsanayo.
 
Wasiirka Difaaca ka ah dalka Kenya waxay tilmaamtay in loo baahan yahay in si buuxda loo qalabeeyo Milliteriga iyo Boliska Somalia si ay isku ilaaliyaan, isla markaana ay la wareegaan Ammaanka Deegaanadda ay Ciiddanka AMISOM kala wareegaan Alshabaab.
 
Waxay kaloo sheegtay in loo baahan yahay Qaab-dhismeedka Maamulo Xooggan si hubaal looga dhigo Horumarinta iyo Deganaanshaha Bulshadda.
 
Dhinaca kale, waxay soo hadal-qaaday Doorashooyinka ka dhici doona Somalia, waxayna sheegtay inay AMISOM sugi doonaan Ammaanka muddada ay socdaan Doorashooyinka, si aysan Doorashooyinka u carqaladeynin  Alshabaab iyo Ciiddanka kale ee aan la oggolayn.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: