HomeUncategorized

Qarax ka Dhacay Turkiga oo Dilay 28-Qof

Bosaaso, Febru, 18, 2016 -(Daljir)_ Dhimashada Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa sii korodhay, iyadoo hadda ay mareyso dhimashada 28 ruux, iyo dhaawaca 61 kale, sida ay saraakiil sheegen.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
DHAGAYSO:Dhismaha Wajiga Labaad ee Garoonka Diyaaradaha Cabud-waaq oo la Dhagax-dhigay
Boqor Cabdullahi Boqor Muuse – Canbaarayn qaraxii shalay iyo Tacsi.
 
Bosaaso, Febru, 18, 2016 -(Daljir)_ Dhimashada Qarax ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa sii korodhay, iyadoo hadda ay mareyso dhimashada 28 ruux, iyo dhaawaca 61 kale, sida ay saraakiil sheegen.
 
Qaraxa ayaa dhacay xilli ay kolonyo baabuur ah oo milatariga ay lee yihiin ay marayeen meel waxyar un ka fog xaruntooda.
 
Guddoomiyaha Ankara Mehmet Kilicer ayaa sheegay in qaraxa uu u muuqdo inuu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray baabuur.
 
Booliiska ayaa baaraya dhacdadan. Baabuurta gurmadka deg degga ayaa la arkayey ayaga oo ku socda goobta qaraxa uu ka dhacay.
 
Reysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa dalalka Biljamka iyo Azerbijan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: