Ergayga QM ee Somalia oo Kismaayo Booqasho ku tagay

Khamiis, Feberaayo 04 2016 (Daljir) —Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soodhoweeyey magaalada Kismaayo ee xaurnta kumeel gaarka ah ee maamulka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
 
Micheal Keating iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey xubno katirsan maamulka Jubbaland oo uu kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Farataag,wasiiro iyo xildhibano.
 
 
Intaas kadib waxaa waftiga lageeyey xarunta madaxtooyada iyadoona Michael Keating iyo Axmed Madoobe ay kawada hadli doona sidii loo meel marin lahaa go’aankaas,islamarkaana shacabka reer jubbaland loogu qancin lahaa.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com