HomeUncategorized

Shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo Addis-Ababa ka Furmay iyo Xasan oo ka Qayb-galaya

Sabti, January 30, 2016-(Daljir)_ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Booliska Gaarisa oo Gacanta ku dhigay Qof Al-shabaab nimo loo haysto
DHEGEYSO-MKu-xigeenka Puntland oo kahadlay heshiiskii Galkacyo iyo dhismaha sayladda.

Sabti, January 30, 2016-(Daljir)_ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, oo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa dhankeeda waxay xusuusisay madaxda Afrika in laga dhabeeyo, lana fuliyo balanqaadkii hore loo gaarey ee ahaa in qaaradda Afrika laga ciribtiro colaadaha.marka la gaaro sannadka 2020.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya 54-ta dowladood ee xubnaha ka ah ururka, iyadoo wasiirada arrimaha dibedda ee dalalkan ay horay u yeesheen kulamo ay ku diyaarinayaan ajendaha shirka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: