HomeUncategorized

Alshabaab oo dib uqabsatay Ceel-cadde kadib markii ciidamada Kenya xalay ka bexeen.

Ceel-cadde, 26, Jan, 2016-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaanka ay xalay ka bexeen ciidamada dalka Kenya, ayna dib u qabsadeen maleeyshiyaadka ururka Alshabaab.

Ciidamada amniga ee magaalada Garoowe oo 4-qof usoo qabqabtay isticmaalka maandooriyaha khamriga.
Daacish oo Sheegatay weerar lagu Qaaday Jakaarta
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Koshin

Ceel-cadde, 26, Jan, 2016-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaanka ay xalay ka bexeen ciidamada dalka Kenya, ayna dib u qabsadeen maleeyshiyaadka ururka Alshabaab.

Ciidamada dowladda wadanka Kenya ayaa xalay saqdii dhexe ka baxay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo ay dhowaan dib uga qabsadeen ururka Alshabaab, waxaana dadka kusugan agagaarka Ceel-cadde ay warbaahinta u sheegeen in saaka aroortii ay arkayeen ciidmada Alshabaab oo deegaanka kusugan.

Dadka kunool duleedka Ceel-cadde oo ka cararay weerarkii 15-kii bishaani Alshabaab deegaanka kusoo qaaday ayaa waxa ay sheegeen in guud ahaan Ceel-cadde ay saaka gacanta ugu jirto ururka Alshabaab, waxaana ay intaas ku dareen in wax iska-caabin ah aysan kala kulmin Kenya.

Ciidamada dalka Kenya ayaa waxaa lasheegay in 100 askari looga diley weerarkii Alshabaab bartamihii bishaani ku qaaday Ceel-cadde, waxaana taasi bedelkeeda ay duqaymo cir iyo dhul ah ka bilaabeen deegaamo katirsan gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: