HomeUncategorized

(Dhagayso) W. Hore ee amniga Puntland General Yuusuf Axmed oo saadaal ka bixiyay ammaanka Muqdisho iyo awooda Shabaab

London, 26, Janu, 2016 - Wasiirkii Hore ee amniga Puntland General Yuusuf Axmed oo saadaal ka bixiyay ammaanka Muqdisho iyo awooda Al Shabaab

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray hurgumadii colaadeed ee gobolka Karkaar iyo shirweyne loo ballamay.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_16
Madaxweynaha oo ka baaqday Booqashadii Jowhar xili la filayo in uu gaaro magaalada Kismaayo

London, 26, Janu, 2016 – Wasiirkii Hore ee amniga Puntland General Yuusuf Axmed oo saadaal ka bixiyay ammaanka Muqdisho iyo awooda Al Shabaab, xilli Muqdisho ay ku suganyihiin Madaxda DF, iyo Madaxda dawladdaha xubinta ka ah dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Muqdisho todobaadkii hore waxaa ka dhacay mid ka mid ah weeraradii ugu cuslaa, kadib markii Alshabaab weerar ku ekaysay hotello iyo meherado cunto oo loo nasasho tago oo ku teedsanaa xeebta liido, waxana ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo badan, taasoo muujisay Alshabaab in ay awoodaan fulinta weerar qorshaysan, xilli dawladda federaalku ay  aad igu celcelinaysay in ay wiiqantay tabartii Alshabaab.

Haddaba maxay taasi uga dhigantahay dawladda federaalka marka laga hadlayo xog helidda amni? Maxaase weli hortaagan gacan dhigidda amniga Muqdisho oo la ogyahay ciidamada amni ee ugu badan in ay ka hawlgalaan marka laga hadlayo Soomaaliya oo dhan?

Su’aalahasi iyo kuwo kaleba waxaan waydiinnay Gen. Yuusuf Axmed Kheyr oo aqoon durugsan u leh arrimaha ciidamada iyo amniga, horayna wasiir amni uga soo noqday Puntland. Waxaana uu marka hore ka hadlayaa sida uu u arko weerarada qorshaysan ee uu ugu dambeeyey midkii Liido waxaana waraystay cNaasir Maxamed Cali

Hoos ka dhagayso waraygii oo cod ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: