HomeUncategorized

Dhagayso Ex-xildhibaan Siciid Diiriye oo hambalyo u diray dhinacyada ka horyimid rabitaanka Madaxwayne Xassan Shiikh

Garowe, 26, January, 2016 - Ex-xildhibaan Siciid Diiriye oo hambalyo u diray dhinacyada ka horyimid rabitaanka Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka Kalluumaysiga Puntland iyo waftigiisii oo wali kulamo is daba-joog ah la leh bulshada gobolka Cayn.
Madaxweyne Obama oo qalbi jab ku tilmaamay xaalada dalka Suuriya
Taliyaha booliska Qaramada midoobey ee Soomaaliya oo Garoowe soo gaarey.

Garowe, 26, January, 2016 – Ex-xildhibaan Siciid Diiriye oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland, kana mid ah ganacsatada Soomaaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhinacyada ka horyimid rabitaanka Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud. Sidaasina waxaa uu ku sheegay waraysi uu  siiyay Radio Daljir.

Siciid Diiriye wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo Dastuurkii dalka jabiyay, dhaqan iyo caadana ay u noqotay inuu sida uu rabo ka yeelo sharciga dalka, waxaana uu mudane Siciid tusaale usoo qaatay dhismahii maamulka Galmudug, iyo qaban-qaabada xilligaan loogu jiro in la dhiso Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

“Hambalyo ayaan u dirayaa Madaxwaynaha Puntland iyo shacab badan oo Soomaaliyeed oo ka horyimid rabitaankii Madaxwayne Xassan Shiikh oo ahayd wax aanan Dastuurka waafaqsanayn” Sidaasi waxaa yiri mudane Siciid Diiriye 

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: