HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas oo Kormeeray Xarumo ku yaalla Kismaayo

Talaado, January 12, 2016-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Clai Gaas, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dawl-goboleedka Jubba-land ayaa maanta 12-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey xarumo isugu jira dawli iyo kuwo shacab.

Galkacyo: Dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay weerar saaka aroortii ka dhacay xaafadda Wadajir.
Xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa baarlamaanka Puntland oo saaka Garowe lagu dilay.
Baahin: Salaasa, 14 Jan 2014, Caawa Iyo Daljir, Wariye Xaliimo Sacdiya C Cali ~ Daljir ~ Garoowe

Talaado, January 12, 2016-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Clai Gaas, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dawl-goboleedka  Jubba-land ayaa maanta 12-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey xarumo isugu jira dawli iyo kuwo shacab.

Xarumahii ay maanta soo  kormeereen Madaxdu ayaa waxaa kamid ahayd Xarunta Caymiska oo ah halka uu kadhici doono shirweynaha madasha wadatashiga qaran oo si’aad u qurux badan loo hagaajiyey loona dhammaystiray agabkii shirku u baahnaa iyo xarumihii ay madaxdu ku nasan lahaayeen xilliyada nasashada.

Sidoo kale goobihii ay Madaxdu kormeereen waxaa kamid ahaa AGAN Hotel  oo ah  hotel casri ah oo dhowaan xadhigga laga jaray isla markaasna la dejiyey qaybo kamid ah Ergooyinka shirka kaqayb geli doona.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii waxa uu tegey Hotel Kismaayo oo kamid ah Hotelada ugu caansan magaalada Kismaayo halkaas oo uu madaxweynuhu kula qaxweyey Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland JeneraalCabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Ganacsato iyo  Odayaal dhaqameed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo isla markaasna ka qaxweeyo maqaaxiyaha magaalada iyadoo aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha nabad diidka ah.

“Sharafweyn bay iitahay inaan maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo soona booqdo xarumaha dawladda iyo hoteelada magaalada, waxaadna muuqata maanta sida ay magaalada kismaayo isu bedeshey amnigeedii iyo bilicdeediina ay isu bedeshey”ayuu yiri madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay guud ahaan dadweynaha  reer Jubba-land iyo Dawladoodaba  in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: