HomeUncategorized

Shirka maamulka usamaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Furmaya dhawaan

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Todobaadka soo socda waxaa la filayaa inuu furmo shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, Magaalada Jawhar ayaa la sheegay inuu ka furmayo shirku.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Khamiis_17
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku jooga Gobolka Gardafuu
Cudurada duumada, shubanka & oofka oo la soo darsay bulshada gobolka Cayn iyada oo lagu jiro xilli roobeed.

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Todobaadka soo socda waxaa  la filayaa inuu furmo shirka maamul usamaynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, Magaalada Jawhar ayaa la sheegay inuu ka furmayo shirku.

Gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu shirku ka fumayo magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Wafti qiimaynaya qabashada shirka oo ka socda Wasaaradda arimaha gudaha,baarlamaanka,Ha’yadda Nabad sugida iyo Sirdoonka ayaa tagay Jawhar.

Xoghayada joogtada ah ee wasaaradda arimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim  ayaa isna sheegay in todobaadka soo socda uu furmi doono shirku, wuxuuna tilmaamay in magaalada dowalddu u dirtay wafti dhinacyo badan isugu jira oo qiimayn ku samayn doona shirka iyo qaabka loo qaban doono.

Dowladda Fadaraalka ayaa wakhti badan galisay Shirka lagu dhisayo maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe,marar badan waxaa baaqday shirka,kadib khilaafyo soo kala dhex galay beelaha wada dega gobolada.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: