HomeUncategorized

Islaan Bashiir oo Tacsi u Diray Ehelada Ugaas Cabdiraxmaan

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) —Islaan Bashiir waxaa uu Ummada Soomaaliyeed uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan, Ugaaska oo ahaa Isin si weyn looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya, ahaana Isin ummada Soomaaliyeed ay u hayeen xurmo iyo sharaf wuxuu maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa Xallinta colaado kasoo cusboonaaday Gobolka Hiiraan.

Qunbulad lagu tuuray saldhig ciidan oo ku yaal Galkacyo, iyo 2 dambiile oo la qabtay.
War Dag Dag ah: Inta la hubo labo ayaa dhimatay Nabadoon Muuse Geelena dhaawac ayaa soo gaaray, kaddib markii gurigiisa caawa la weeraray
Axmed Baasto ?Boolis ayaa ka hortegaya dilalka Aanada ku salaysan ee reer miyiga Galmudug?

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) —Islaan Bashiir waxaa uu Ummada Soomaaliyeed uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Magaalada Baladwayne ee Gobolka Hiiraan, Ugaaska oo ahaa Isin si weyn looga yaqaan guud ahaan Soomaaliya, ahaana Isin ummada Soomaaliyeed ay u hayeen xurmo iyo sharaf wuxuu maalmihii ugu danbeeyey ku hawlanaa Xallinta colaado kasoo cusboonaaday Gobolka Hiiraan.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble waxaanan Ummadda Soomaaliyeed leeyahay samir iyo iimaan Allaha naga siiyo, isagana Allihii abuurtay baan Janno uga baryeynaa iyo in uu u dambi dhaafo”. Ayuu yiri Islaan Bashiir.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax wuxuu si gaar ah tacsi ugu sii diray qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo uu Alle uga baryey in uu samir ka siiyo, Ugaas kana in Alle uu uga baryayo janatul fardowsa.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: