HomeUncategorized

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la Geeyay Kismaayo

Sabti, Janaayo 02, 2016 (Daljir) — Ciidamo gaaraya 250 oo Ethiopian ah ayaa la geeyey magaalada Kismaayo xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kuwaas oo qayb ah AMISOM.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Garowe) 2 July 2016.
Maraykanka oo soo dhoweeyey xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
(Dhagayso) Wasiirka Cadaaladda Puntland oo nasiib-darro wayn ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Wasiir ka mid ah xukuumadda Puntland

Sabti, Janaayo 02, 2016 (Daljir) — Ciidamo gaaraya 250 oo Ethiopian ah ayaa la geeyey magaalada Kismaayo xarunta KMG ah maamulka Jubbaland kuwaas oo qayb ah AMISOM.

Waxay badali doonaan Ciidamda Ethiopian ah Ciidamadii Siralyoon oo Soomaaliya isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii 2015, sababo lala xiriiriyey dhanka Caafimaadka, kadib markii dalkooda laga helay cudurka Ebola.

Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa xaqiijiyey in ciidamo Ethiopian ay yimaadeen Kisaamyo,waxayna sheegeen in ciidamada Itoobiyaanka, kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay dhowaan qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee joogaa degmooyinka, Jilib, Jamaame, Xagar, Bu’aale iyo deegaano kale sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada ayaa fariisamo ka samaysateen dekada Kisaamyo,Garoonka iyo duleedka magaalada,waxaana dekeda Kismaayo kusoo xirtay maraakiib waday hub saanid Ciidan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: