HomeUncategorized

Shir looga Hadlayay Midaynta Qorshayaasha maamulada Degmooyinka iyo kuwa G. Puntland oo Garowe ka Dhacay

Khamiis, December 31, 2015-(Daljir)- : Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland, gaar ahaan xarunta Hay’ada PDRC ayaa maanta waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo looga hadlayo Iswaafajinta qorshayaasha maamulada heer gobol iyo heer degmo ee dowladda Puntland.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Talaado_22
Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo dhismihiisa la bilaabayo (Dhegayso)
Kulanka uga socda Sirta, Libya ururka Midawga Afrika oo looga hadlayo xaaladda dalka Somaliya. [Akhris …]

Khamiis, December 31, 2015-(Daljir)- : Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland, gaar ahaan xarunta Hay’ada PDRC ayaa maanta waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo looga hadlayo Iswaafajinta qorshayaasha maamulada heer gobol iyo heer degmo ee dowladda Puntland.

Shirkaani ayaa waxaa ka qaybgalay furitaankiisii madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo qaar kamid ah madaxda degmooyinka iyo gobolada kala duwan ee Puntland.

Madaxda wasaaraddaha qorshaynta iyo arrimaha dibadda dowladda Puntland oo shirkaan hormuud ka ahaa ayaa furitaankii shirka ka sheegay in ujeedkoodu yahay sidii meesha looga saari lahaa khilaafka kadhexdhaca maamulada gobolada iyo degmooyinka ee fulinta qorshaayaasha.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland oo furay shirka ayaa ammaanay qorshahaan ay wadeen wasaarada qorshaynta iyo arrimaha gudaha ee Puntland, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in qorshe midaysan ay yeeshaan maamulada heer degmo ilaa heer gobol.

By: Abdirashiid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: