HomeUncategorized

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo Qorshe Cusub ku Dhawaaqay

Sabti, December 26, 2015 (Daljir) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xiligan waxaa kasocda baarintaan iyo sahamin ay kusamaynayaan Maamulka degmada Gaalkacyo iyo injineero fulanaya shaqadaasi.

Garaad C/llaahi Cali Ciid oo fool-xumo ku tilmaamay faragalinta dawladda federaalku ay kuwado maamulka Jubbaland (Dhagayso).
Malayshiyaad ka tirsanaa Xisbul Islaam oo ku soo biirey ciidamada dawladda Somaliya. [Akhris …]
Denmark oo Soomaaliya ka taageeraysa howlaha dib-u-dhiska, amniga iyo waxbarashada

Sabti, December 26, 2015 (Daljir) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xiligan waxaa kasocda baarintaan iyo sahamin ay kusamaynayaan Maamulka degmada Gaalkacyo iyo injineero fulanaya shaqadaasi.

Duqa degmada Gaalkacyo C/casiis Jamaac Guuleed ayaa ka daahfuray maanta Magaalada Gaalkacyo shirkad sahamin iyo qiimayn ku samaynaysa guud ahaan Magaalada Gaalkacyo.

C/casiis Jamac ayaa shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay jiraan shirkadahaasi oo sahan ka samaynaya guud ahaan Gaalkacyo lagana doonayo shacabka inay la shaqeeyaan oo aysan moodin kuwii wax bur-burinayey sida uu hadalka u dhigay duqa degmada Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa sheegay qorshaha dawlada hoose ee Sanadka 2016 inuu yahay sidii Gaalkacyo aysan biyo danbe u fariisan loogana saari lahaa biyaha guud ahaan Gaalkacyo shacabkana laga doonayo inay qayb ka qaataan Shaqadaasi.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: