HomeUncategorized

Somali u Hanjabay FBI-da oo Xabsiga ku sii jiri Doona

Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_ Khalid Abdulkadir oo 19 jir ah ayaa ku sii jiri doono Xabsiga, kadib, markii uu Garsooruhu sheegay inaan weli la haynin caddaymo ku filan Eedeynta loo haystay o oahaa inuu Bartiisa Twitterkaugu hanjabay Dembi-baarayaasha Boliska Maraykanka ee FBI.

Saxafiyiinta Muqdisho iyo dad kala duwan oo ka qayb galay Aaska Marxuum Timacade oo geeryooday
Qarmada Midobay oo soo dhaweeysay Ansixinta Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka
Falal dambiyeedyadii ka dhacay gobollada Somaliland sannadka Sannadkii u Dambeeyay Ka Khacay Somaliland.

Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_ Khalid Abdulkadir oo 19 jir ah ayaa ku sii jiri doono Xabsiga, kadib, markii uu Garsooruhu sheegay inaan weli la haynin caddaymo ku filan Eedeynta loo haystay o oahaa inuu Bartiisa Twitterkaugu hanjabay Dembi-baarayaasha Boliska Maraykanka ee FBI.

Garyaqaanka Eedeysanaha ayaa codsaday in la sii daayo Khalid Abdulkadir, isagoo sheegay inaan caddaymo buuxa loo haynin inuu isagu qoray Hanjabadaasi.

Sarkaal ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Vadym Vinetsky ayaa sheegay inay hayaan caddaymo, inkastoo Farriinta laga tirtiray Twitterka.

Sarkaalka waxa uu sheegay inay FBI-da xaqiijiyeen in Twitterka lagu hanjabay uu leedahay Khalid Abdulkadir, isla markaana ay Farriinta saarnaa Sawirkiisa iyo Telefoonkiisa Khaaska.

Digniinta Twitterka ee loogu hanjabay FBI-da ayaa timid dhowr saacadood kadib, markii Khaalid C/qaadir saaxiibkiisa Abdirizak Mohamed Warsame isbuucii hore lagu soo oogay inuu taageerao Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: