HomeUncategorized

Puntland oo wali ku Adkaysanaysa in laga Gudbo Nidaamka 4.5-ka

Somalia, December 13, 2015-(Daljir)_Shir u dhaxeeya madaxda mamuladda dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka mar kale uga furmaya xarunta xalane ee magalada Muqdisho.

Baahin: Khamiis, Mar 22, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Xudun, Bakool oo u gacan gashay ciidamada dawlada federaalka & Ethiopia; Nin ka tirsanaa ciidamada Al-shabaab ee buurala Golis oo isu dhiinay ciidanka Puntland; Dawlada federaalka oo sheegtay in ay dejisay qorshe lagu sugayo amniga meelaha laga qabsaday Al-shabaab.
Gudiga nabad galyada gobolka Mudug oo maanta Shir-Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo.
Caawa iyo Daljir, Nov 27-12, Axmed Nuur Ibraahim (Somali) _Daljir Boosaaso.
Somalia, December 13, 2015-(Daljir)_Shir u dhaxeeya madaxda mamuladda dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka mar kale uga furmaya xarunta xalane ee magalada Muqdisho.
 
Shirkaasi ayaa ku tilmaamsan in lagu soo saaro go’aan la isku raacsan yahay oo ku aadan doorashada 2016 iyo nidaamka lagu salaynayo.
 
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay nidaamka 4.5 in doorashadaasi lagu dabaqayo halka madaxda mamuladda Puntland iyo Jubbaland diidsan yihiin nidaamkaasi oo ay qabaan inay tahay in laga dhigo hab-deegaan, balse ilaa iyo hadda war cad kama soo bixin.
 
Warar madax banaan ayaa sheegaya in la iska qaatay 4.5 laguna shaacin doono kulanka maanta walow shacabka Puntland iyo siyaasiyiintooda ka war sugayaan go’aamada soo bixi kara.
 
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo saxaafada la hadlayna waxay ka digeen in Puntland aysan qaadan go’aanka ah nidaamka 4.5 in lagu saleeyo doorashada haddiiba ay dhacdana talada dib loogu soo celiyo Baarlamaanka iyo shacabka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: