HomeUncategorized

Dugsiyada Waxbarasho ee Magaalada Gaalkacyo oo Dib loo Furayo

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_ Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dugsiyadii waxbarashada ee Galkacyo ay dhowaan furmi doonaan kadib dagaalo magaalada dhowaan kadhacay,

TARTAN IYO TACLIIN: Maxaa kala haysta Caawa Iskuulada Nugaal Secondry Vs Nawaawi Qardho
8,000 oo Qaxooti Somali ah oo ka soo Laabtay Kenya
DHEGEYSO-Baasaboorka Soomaaliya oo lasheegay inu qiimo yeeshay.

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_ Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dugsiyadii waxbarashada ee Galkacyo ay dhowaan furmi doonaan kadib dagaalo magaalada dhowaan kadhacay,

Wasiirka ayaa Dhanka kale Sheegay in Dhawaan ay Bilaabanayaan Imtaanadii Sanad dugsiyeedka Waxaana uu Macalimiinta iyo Maamulada Iskuulada ugu Baaqay inay Ardayda ay Si Fiican ugu Dadalaan Si Loo Helo Arday Wanaagsan

Magaalada Galkacyo ayaa Dhawaan Waxa ka Dhacay dagaal u Dhexeeyay Dawlada Puntland iyo Maamulka Cadaado Waxaa Magaalada Galkacyo Ka Qaxay Qoysas Badan oo ay Caruurtoodu  Dhigan Jiraan Iskuulada Magaalada Galkacyo waxaana Hada Dadkii ka Barakay Galkacyo ay Dib ugu Laabanayaa Magaaladaasi.

Qaar kamid ah ardaydii wax ka barnaysey dugsiyada waxbarashada ee magaalada Galkacyo ayaa gaarey qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee deegaamada Puntland si ay usii wataan waxbarashadooda maadaama uu meel dhexe marayo sanad dugsiyeedka 2015/16.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: