HomeUncategorized

Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia oo Gawaari loogu Deeqay

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_ Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda habmaamuuska qaranka ee Wasaaradda.

DHEGEYSO-Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo waraysi dheer siiyey Daljir.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Abdinasir
DHEGEYSO-Wasiirka shaqada shaqaalaha iyo dhalinyarada oo kahadlay waxqabadkiisa.

Somalia, December 09, 2015-(Daljir)_ Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Korea deeq ka kooban afar gaadiid oo ah nooca martida oo loogu deeqay Waaxda habmaamuuska qaranka ee Wasaaradda.

Gaadiidkan ayaa Wasaaraddu u adeegsan doontaa martida shisheeye ee dalka soo booqata , waxa ay qeyb ka noqon doonaan dadaalo balaaran oo Wasaaradda lagu qalabeyn doono , laguna tayeyn doono habsami u socodka shaqo iyo shaqaale .

Wasaaraddu , waxa ay cadeyneysaa in isabadalada iyo horumarada ay hiigsanayso ay yihiin kuwa loogu adeegayo dadka iyo dalka Soomaaliya , laguna ilaalinayo madax banaanidiisa, qaranimadiisa,midnimadiisa iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: