HomeUncategorized

Gudoomiyahii magaalada Cadan ee Yemen oo Weerar lagu Dilay

Somalia, December 06, 2015-(Daljir)_ Jeneral Jacfar Maxamed Sacad iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa ayaa saakayto lagu dilay Degmadda Altawaahi oo ku taalla magaalladda Cadan, kadib, markii lala soo beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey dilkii agaasimihii madaxtooyada Boosaaso.
Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga kajiray jidka wadnaha.
USA iyo Ethopia oo Is-kaashi buuxa ka samayey ka shaqeynta amaanka dalalka Qaarada Afrika

Somalia, December 06, 2015-(Daljir)_ Jeneral Jacfar Maxamed Sacad iyo 6 ka mid ah Ilaaladiisa ayaa saakayto lagu dilay  Degmadda Altawaahi oo ku taalla magaalladda Cadan, kadib, markii lala soo beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaarigiisa xilli uu ka soo baxay gurigiisa, kuna sii jeeday Xafiiskiisa, wuxuuna Jeneraalka kaalin ka qaatay sidii Maleeshiyadda Xuutiyiinta looga saari lahaa magaalladda Cadan iyo Degaano kale.

Madaxweyne C/rabbu Haadi Mansuur ayaa la sheegay inuu la wareeay Hoggaaminta Amniga, kadib, markii la dilay Jeneraalkaasi.

Dhinaca kale, Wada-xaajoodkii Nabadda ee Dowladda Yeman iyo Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa la iclaamiyey inuu furmi doono bishan December 15-da.

Dagaalka Yeman waxaa ku geeriyootay in ka badan 5,700 oo qof. ,waxaan dilkan sheegatay ISIL

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: