HomeUncategorized

Dadkii ka soo Barakacay Colaadaha Yemen oo Banaanbaxyo lagu taageerayo dowladda ka dhigay Garowe

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_ Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararay wadanka Yemen ee kunool magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta sameeyey banaanbax ay ku taageerayeen madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo duqa caasimadda Puntland Xasan Maxamed Ciise (Goodir).

Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da?ay deegaano ka mid ah gobolka Gedo
Baahin: Axad, Feb 05, Jaamac Cabdiraxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. R/wasaare Gaas oo ka qayb galay shir kooxda xirriirka caalamiga ah ee arrimaha Somaliya uga furmay Jibuuti; Arday reer Somaliland ah oo ku sugan Muqdisho oo cambaareeyey wasaarada waxbarashada Somaliya; Golaha deegaanka Buurtinle oo xilka ka qaaday guddoonka golaha.
M/weyne Shariif iyo wafti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe.

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_ Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararay wadanka Yemen ee kunool magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta sameeyey banaanbax ay ku taageerayeen madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo duqa caasimadda Puntland Xasan Maxamed Ciise (Goodir).

Socdaal ballaaran ayaa waxaa saaka laamiga dheer ee magaalada Garoowe iyo barxaladda labaad ee xarunta dowladda hoose kusoo maray maamulka iyo dadka kasoo cararay dagaalada Yemen iyagoona muujinayey taageerada ay u hayaan dowladda iyo dadka Puntland.

Dadka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Garoowe laga siiyey dhul ay degaan oo noloshooda dhan ay deganaan karaan, sidoo kalena maamulka degmada Garoowe uu ka caawiyey dhismaha gudiyo maamula si ay ugu fududaato inay lahadlaan cidkasta oo caawin kadha.

Dhammaan dadkii kasoo cararay dagaalada dalka Yemen ee ka qaybgelayey mudaharaadka ayaa sheegay in reer Puntland ay usoo dhoweeyeen si aysan filayn, meel kastoo ay joogaana ay u hayaan ammaan iyo abaal lama iloowaan ah.

By:Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: