HomeUncategorized

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo Maraykanka kula kulmay Madaxda Xsibiga Dimuqraadiga

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo booqasho kumaraya magaalooyin katirsan dalka Maraykanka ayaa lakulmay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin sarsare oo katirsan kuwa Maraykanka.

HALKAAN KA DHEGAYSO: Qaybtii 15aad ee Taxanayaasha ARDAA2.
DHEGEYSO-Qaybta Labaad ee waraysi uu Raido Daljir layeeshay Duqa caasimadda Puntland.
Caawa iyo Daljir,Arbaca_ Nov 20-2012, Axmed Nuur Ibraahim (Somali)_Daljir Boosaaso

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo booqasho kumaraya magaalooyin katirsan dalka Maraykanka ayaa lakulmay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin sarsare oo katirsan kuwa Maraykanka.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii uu kulamada laqaatay kala hadlay ka qaybgalka horumarinta ciidamada booliska Soomaaliya iyo wanaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Ilaa hada taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed dadka uu lakulmay waxaa kamid ah xildhibaanka Muslimka ah ee golaha Congress-ka Maraykanka sida weyn looga qadariyo Mudane Keith Ellison iyo xubno kale oo katirsan aqalada dalka Maraykanka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: