HomeUncategorized

Madaxweynaha Somalia oo soo Dhaweeyay Heshiiskii Gaalkacyo

Somalia, December 03, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).

COD-Xildhibaan Cabdi Barre oo eed kulul u jeediyey xubno katirsan xukuumadda Puntland.
Muqdisho oo maalintii 2-aad ay ka dhaceen dagaallo & madaafiic lagu garaacay xaafadaha qaar oo ay dad rayad ahi ku dhinteen.
RW Cumar oo Isku-shaandhayn kooban ku sameeyay Golihiisa xukuumadda

Somalia, December 03, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).

Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaaladaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa. 
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo intii kale ee kala qeyb qaadatey dadaalkii nabadeed ee halkaasi laga wadey

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: