HomeUncategorized

Barlamaanka Somalia oo Mar kale ka Arinsaya Darbiga Kenya

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay yeelan doonaan kulan aan caadi ahayn oo ay uga hadlayaan arrimaha ammaanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo derbiga ay Kenya kadhisayso xuduudka labada dal.

Puntland oo dadaal ugu jirta soo celinta 40 dhalinyaro ah oo Burcad-badeednimo ugu xiran Maldives
DHEGEYSO-Waa sidee xaaladda deegaamada loo hayaamay ee Nugaal iyo Karkaar.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Axmed Sh Maxamed Tall man.

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay yeelan doonaan kulan aan caadi ahayn oo ay uga hadlayaan arrimaha ammaanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya iyo derbiga ay Kenya kadhisayso xuduudka labada dal.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in barlamaanka looqaybin doono sharciga derbiga ay doonayso inay dhisto dowladda Kenya oo ay soo diyaariyeen gudiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ugu horayn mudanayaashu ay akhrin doonaan sharcigaasi oo uu sheegay inuu muhiim u yahay, dalka kadibna ay dood kulul ka yeelan doonaan derbigaasi oo ay Kenya dhowaan sheegtay inay xuduudka Soomaaliya kadhisi doonto.

Dhowaan ayey ahayd markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke uu sheegay in dowladda Kenya kala hadleen arrimaha xuduudka labada dal sidoo kalena aysan wax derbi ah kadhisi doonin xuduudka labada wadan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: