HomeUncategorized

Jubbaland oo Amaro ku soo Rogtay Hayadaha ka howl-gala Kismaayo

Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa xarunta madaxtooyada Kismaayo shir ugu qabtey Hay’addaha kala duwan ee ka howlgala Jubbaland kuwaasoo caalami iyo maxal isagu jira.

DHEGEYSO-Wafti kasocda Puntland oo safar ku tegey gobolka Sool.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Ciyaaraha ee sports news xarunta Garoowe 10 07 2016.
3 qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Garowe iyo Sanajiif.
Somalia, November 27, 2015-(Daljir)_Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe ayaa maanta xarunta madaxtooyada Kismaayo shir ugu qabtey Hay’addaha kala duwan ee ka howlgala Jubbaland kuwaasoo caalami iyo maxal isagu jira.
 
Kulankan oo muhiimadiisu ahayd ogaanshaha hay’addaha Jubbaland ku sugan waxay qabtaan ayaa waxaa madaxwayne Madoobe ku weheliyay qaar ka mid ah wasiiradiisa.
 
Wakiillo ka socday inta badan hay’adaha ka howlgala deegaannada Jubbaland oo kulanka joob joog ka ahaa ayaa inta uu kulanku socday waxay soo bandhigeen waxqabadkooda.
 
Markii kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa Telefishinka Jubbaland uga warbixiyey waxyabahii looga hadlay iyo natiijada ka soo baxday Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni iyo wasiirka qorsheynta Jubbaland Maxamed Nuur Shambara.
 
Kulanka dhex maray masuuliyiinta Dowladda Jubbaland iyo wakiilada ka socday hay’adaha ka howlgala deegaannada Jubbaland ayaa waxa uu qayb ka yahay dedaallada ay Dowladdu ku xaqiinjinaysa waxqabadka hay’adaha.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: