HomeUncategorized

Al-shabaab oo weerartay Waqooyi Bari Kenya

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — War qoraal ah oo ay Alshabaab soo dhigeen Shabakadda Wararka ee Shahaada News ayaa lagu sheegay inay Dagaalamayaashooda weerar ku qaadeen W/bari Kenya, isla markaana ay muddo kooban gacanta ku dhigeen Deegaanka Bulujul, oo ku dhow xuduudka Kenya la wadaagto dalkeenna Somalia.

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Shaaciyay xiliga loo Fariisnayo imtixaanada Dugsiyada Sare [DHAGAYSO]
Dhagayso Barnaamijka iyo Daljir 26 Sept 2016 Isniin Wariye Maxamed Cabdullahi Cali Kooshin 26 Sept 2016
Dowladda Marooko oo ka qayb qaadanaysa nabadgalyada Soomaaliya

Somalia, November 26, 2015 (Daljir) — War qoraal ah oo ay Alshabaab soo dhigeen Shabakadda Wararka ee Shahaada News ayaa lagu sheegay inay Dagaalamayaashooda weerar ku qaadeen W/bari Kenya, isla markaana ay muddo kooban gacanta ku dhigeen Deegaanka Bulujul, oo ku dhow xuduudka Kenya la wadaagto dalkeenna Somalia.

Dagalaamayaasha oo la hadlay dadka deggan Deegaankaasi u sheegeen inay dib ugu laabteen meel ku dhow Dhulka Kaymaha ee Boni oo ay Ciiddanka Kenya horey u sheegeen inay ka saareen Alshabaab.

Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee Shahaada News ee ay Alshabaab leeyihiin waxa kale oo uu qoray inay Alshabaab bilowgii Toddobaadkan qarax miino la beegsadeen Kolonyo gaadiid oo ay Ciiddanka Kenya wateen, kuwaasi oo marayey Degaanka Jalamjala ee W/bari Kenya.

Alshabaab ayaa sheegtay inay qaraxaasi ku le’deen in ka badan 8 Askari, inkastoo ay Ciiddanka Kenya sheegeen in ay 3 Askari kaga geeriyootay qaraxaasi.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: