HomeUncategorized

Baabuurta leh Bacaha Madow oo laga Mamnuucay Bosaso

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Maamulka Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’ ayaa sheegay in go’aan adag ay Guddiga nabadgalyada gobolka Bari ka gaareen baabuurta leh Muraayadaha Madow iyo tahriibta.

Maraykanka oo kordhinaya dagaalka kadhanka ah Alshabaab.
Shirki wadatashiga Madaxda Soomaaliya oo Saaka laso Gaba-gabayn doono

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Maamulka Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ‘’Dhedo’’ ayaa sheegay in go’aan adag ay Guddiga nabadgalyada gobolka Bari ka gaareen baabuurta leh Muraayadaha Madow iyo tahriibta.

Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in Guddiga nabadgalyada gobolka Bari ay go’aansadeen in Madax iyo shacab loo ogilayn in Gawaaridooda ay ku xardhaan Bacaha Madow.

‘’Guddigu markuu arkay khatarta ay amniga guud u leedahay,markii horay loo fashiliyay dhowr isku day amni xumo oo la doonayay in lagu fuliyo baabuur Muraayado Madow leh,markii horay dhowr jeer go’aamo looga soo saaray,Guddigu wuxuu go’aamiyay innaan la arki karin Gaari Muraayad Madow leh,gaarigii lagu arko waxaa markii la qabto laga qaadayaa Ganaax dhan Boqol doolar’’Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Wuxuu ku amray Hay’adaha amniga inay fuliyaan go’aamada Guddiga kaso baxay.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: