HomeUncategorized

Axmed Madobe iyo Nick Kay oo Kismaayo ku Shiray

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Ariamaha Soomaaliya Nicklos Kay ayaa shalay macasalaamayn utagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

BADHAN: KURSIGA WASIIR JAMAAL OO AY BEESHU KASOO SAARTAY WARMURTIYEED (daawo)
War Dag Dag ah: Xog-rasmi ah Qoryihii DF usoo dhiibtay Puntland oo noqday kuwo aan shaqaynaynin.
Diidmada is-casilaadda Farmaajo oo sii kordhaysa iyo ciidanka millateriga federaalka oo ku goodiyey Af-ganbi.

Somalia, November 23, 2015-(Daljir)- Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Ariamaha Soomaaliya Nicklos Kay ayaa shalay macasalaamayn utagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soodhaweeyey masuuiyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Qaramadda Midoobay

Intaas kadib Nicklos Kay ayaa guriga martida oo kuyaal xeebta Kismaayo waxaa uu kula kulmay madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoo kawada hadlay Aragtida 2016 iyo shirarkii looga hadlayey doorashada 2016 oo ka qabsoomay magaalooyin ay Kismaayo kamaid tahay,

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Nicklos Kay oo warbaahinta la hadlay marku shirkooda soo dhamaaday ayey ka warbixiyeen waxyaabihii ay kawada hadleen.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Nicklos Kay ay kawada hadleen arimo ay kamid ahaayeen doorashad 2016,iyo shirarkii lagu qabtay magaalooyinka qaarkood, islamarkaana dadweynaha lagu weydiinayey qaabka loo wajihi karo doorashada,waxaa uu sheegay Madoobe in Kay sidoo kale ay islasoo qaadeen shirarka kale ee looga hadlayo doorashada in lagu dar dargaliyo sidii loogasii amba qaadi lahaa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: