HomeUncategorized

Faah-Faahin: Kulamo ay Garowe ku Yeesheen Gaas iyo Kay

Somalia, November 19, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay Aqalka Hoyga uu ka degganyahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

“Haddaan wax xiro dad badan baa xabsi gali lahaa” Duqa magaalada Muqdisho
(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Garowe)
(DHAGEYSO) Madaxweyne Gaas oo xarun cusub dhagax dhigay
Somalia, November 19, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dowladda  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay Aqalka Hoyga uu ka degganyahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.
 
Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd   la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay.
 
Markii uu soo  idlaaday kulanku ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay  inay kawada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, iyo  Shirarkii dhowaan kasocdey Soomaaliya oo looga hadlayey geeddi socodka Doorashooyinka 2016.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku ammaanay  Danjire Nickolas kay waxqabadkiisii muddadii uu soomaaliya kasoo shaqaynayey isagoona sheegay inay si’dhow uwada shaqaynayeen waxaana uu urajeeyey guul iyo horumar maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkiisii.
 
Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawado  gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaadhey muddadii yarayd ee uu hoggaanka Puntland hayey.
 
Gebagebadii kulanka ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali guddoonsiiyey Danjire Nickolas key hadiyo ka kooban waxyaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay Puntland caanka kutahay oo lagu xardhay Calanka Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: