HomeUncategorized

Madaxweynaha Somaliya oo Waraaqaha Danjirinimo ka GudoomaysSafariika Cusub ee Hindiya

Somalia, November 14, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay wada hadal inay la gasho Al-Shabaab” R/wasaare Gaas.
Baahin: Khamiis, May 05, Weriye Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Sh. Xasan Qoryooley, ku xigeenkii Ahlu-sunna oo u dhintay dhaawac Shabaabku gaarsiiyey; Sarkaal la socday marxuumka ayaan waraysanay … Mid kam id ah macallimiinta D/Sare ee Muuse Yusuf ee magaalada Laacaanood oo ay xireen ciidanka sirdoonka Somaliland … Wasiirka kalluumaysiga ee Somaliya oo QM u gudbinaya qoraal ku saabsan xuduudda badda Somaliya; afhayeenka xukuumada ayaan ka waraysanay … Xaaladda Ammaan ee magaalada Galkacyo oo ka soo raynaysa, bandowga oo weli saaran magaalada, & hawl-gallada amniga oo la laban-laabay; Taliyaha ciidanka bilayska ee gobolka ayaan waraysanay …
Dhagayso Caawa iyo Daljir Arbaco October, 19, 2016 – Wariye Axmed Sh. Maxamed (Tallman) Studio Daljir Boossaaso
Somalia, November 14, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.
 
Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Danjiraha cusub in dowladda Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda, isagoo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda India sida ay ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.
 
Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale soo dhoweeyay dhambaal ay Danjire Durai ka sidday Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ahaa in dowladdiisa ay Soomaaliya u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.
 
“Aad baan ula dhacsanahay xiriirka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhowaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu Ra’iisul Wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsanahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
 
Danjire Suchitra Durai, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.
 
Waxay intaa ku dartey in labada dal ay haystaan fursado ay ku abuuri karaan iskaashi mira-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan. 
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: