HomeUncategorized

Dowladda Itoobiya oo Digniin Adag u Dirtay Daacish-ta Somalia

November 07, 2015 (Daljir) — Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo mar kale xilkaasi loo doortay bishii May ee sannadkan ayaa waxa uu sheegay inuu Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Bariga Dhexe kala hadlay Khatarta ka dhalan karta haddii ay Dagaalamayaasha Daacish xarumo ka samaysteen gudaha dalka Somalia.

Waftiga R/wasaare Sharmaarke iyo madaxda dawladda Puntland oo saaka lagu wado in ay wadahadalo u bilaabmaan. [Akhris …]
Booliska Hiiraan oo qabtay 16 qof xili nabadoon caan ah xalay lagu dilay gudaha beledweyne
Taliyayaasha cusub ee Asluubta iyo Booliska Soomaaliya oo Maanta la Dhaariyay

November 07, 2015 (Daljir) — Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn oo mar kale xilkaasi loo doortay bishii May ee sannadkan ayaa waxa uu sheegay inuu Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Bariga Dhexe kala hadlay Khatarta ka dhalan karta haddii ay Dagaalamayaasha Daacish xarumo ka samaysteen gudaha dalka Somalia.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Tifaftiraha Arrimaha Afrika ee Idaacadda BBC World Service Africa, Mary Harper, wuxuuna sheegay inay Ciiddanka Ethiopia ka taageerayaan Dowladda Federalka Somalia dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab, oo uu tilmaamay inay xilligan dib u gurteen, lagana qabsaday deegaano ay horey u haysteen.

Mar wax laga weydiiyey Xiriirka Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waxa uu sheegay inuu Walaaca haatan yahay sida ay Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka Alqaacida ay xiriir kale la yeelatay Kooxda Daacish iyo Kooxaha kale.

Hailemariam Desalegn Boshe waxa uu Barnaamijka BBC –da ee Focus on Africa u sheegay inay arrintaasi tahay khiyaano weyn, loona baahan yahay in si gaar ah  indhaha loogu hayo xiririka Alshabaab iyo Daacish.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Dowladaha Carabta kala hadlay awoodaha ay Daacish u leedahay inay ka hawlgalaan gudaha Somalia ama ay hawlgeliyaan Alshabaab.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, waxa uu ka hadlay Xorriyadda Hadalka ee dalkiisa, wuxuuna sheegay inay Xukuumadiisa diyaar u tahay inay Suxufiyiinta wax ka sheegaan oo ay naqdiyaan Xukuumadiisa , isla markaana aysan la yaabi doonin.

Furfurnaanta Dimuqraadiyadda ee uu ku dhawaaqay ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Reer Galabeedka iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha si kulul ugu cambaareeyaan Dowladda Ethiopia caburinta ay ku hayaan Saxaafadda, Diimaha iyo Qowmiyadaha ku wada nool dalkaasi.

 

 

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: