HomeUncategorized

Wiil Somali ah oo Maxkamad lagu soo taagay Maraykanka

November 04, 2015 (Daljir) — Mohamed Ali Omar ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxaana lagu soo oogay inuu Saraakiil ka tirsan Dembi-baarista Boliska ee FBI-da iyo Turjumaan Soomaali ah cabsi-geliyey, xilli ay bishii March ee sannadkan baaritaan ku hayeen fal walaalkiisa lala xiriirinayey Falal Argagixiso.

Dowladda Qadar oo Ciidamo u Dirtay Yemen
DHEGEYSO-Maamulka gobolka Banaadir oo kahadlay dilka General Goobaale.
DHEGEYSO-General Yaasiin Cumar Dheere oo taageeray xulka Puntland.

November 04, 2015 (Daljir) — Mohamed Ali Omar ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxaana lagu soo oogay inuu Saraakiil ka tirsan Dembi-baarista Boliska ee FBI-da iyo Turjumaan Soomaali ah cabsi-geliyey, xilli ay bishii March ee sannadkan baaritaan ku hayeen fal walaalkiisa lala xiriirinayey Falal Argagixiso.

Mohamed Ali Omar oo 22-jir ah ayaa lagu xukumay xukun 3 sanno oo ilaalo lagu haynayo iyo qoddobo kale oo aan la shaacinin..

Garsooraha Maxkamadda Heerka Degmo ee magaalladda Minneapolis, Micheal Davis ayaa ku gacan-sayray Codsi Dowladda Federalka ku doonaysay in xabsi adag lagu xukumo Eedeysanaha.

Dhinaca kale, Bilowgii bishii June, Garsoore Michael Davis waxa uu amray in la sii daayo Eedeysanaha, wuxuuna xayiray xukunkiisa, inkastoo uu haatan garwaaqsaday Go’aanka Maxkamadda Sare Maraykanka ka heshay wada-xaajoodka midnaha “Cabsi-gelinta Runta ah”.

Xeer-ilaalinta Maraykanka kama hadlin xukunka haatan lagu riday Eedeysanaha horey ugu hanjabay Saraakiil ka tirsan FBI-da.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: