HomeUncategorized

Wasiir Aniso oo Shaqaalaheed Abaal-marisay

Axad, November 01, 2015 (Daljir) — Wasaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa abaal marisay toban qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaradda, ka dib markii maalinkii shalay xarunta wasaradda lagu qabtay munaasibad ay kasoo qayb galleen masuuliyiin kala duwan.

Xukuumada Puntland oo u gudbisay baarlamaanka miisaaniyada dawlada ee 2009. [Dhegaysi …]
Duubyada gobolka Baay oo shaaciyay inay gudoomiyihii hore ee Baay ay ku qanciyeen xil ka qaadista lagu sameeyay.
Howl-Galo Amni Sugid ah oo ka socda Gaalkacyo

Axad, November 01, 2015 (Daljir) — Wasaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa abaal marisay toban qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaradda, ka dib markii maalinkii shalay xarunta wasaradda lagu qabtay munaasibad ay kasoo qayb galleen masuuliyiin kala duwan.

Tobanka qof ee wasaradda haweenka abaal marisay ayaa qaarkood laga soo xulay degmooyinka kale ee Puntland iyo xarunta dhexe ee wasaradda, qaarkood waa shaqaalaha hoose ee wasraadda oo markii ugu horaysay munaasibad lagu abaal marinayo .

Munaasibadda waxaa kasoo qayb galay wasiirka haweenka, wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqalaha, wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, xeer ilaaliyaha guud, gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka socday bulshada rayidka iyo hay’addaha la shaqeeya wasaradda haweenka.

Dhammaan masuuliyiintii ka hadlay abaal-marinta shaqalahaan ayaa waxay tilmaameen inay ku faraxsan yihiin dhiirigalinta bilowga ah ee ay wasiirka haweenka Puntland samaysay, waxa kale ay sheegeen inay tahay arrin ku dayasho mudan oo madal noocaan oo kale ah lagu abaalmariyo shaqaalaha kartida iyo dadaalka muujiyay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: