HomeUncategorized

Maxaabista Gaalkacyo oo Dhaqan Celin loo Samaynayo

Axad, November 01, 2015 (Daljir) —Taliyaha Ciidanka Asluubta Booliska Gobalka Mudug Aadan Nuur qaal ayaa ka warbixiyey Xaalada Xabsiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo iyo Maxaabiista waxaana uu sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiga oo laga kala keenay Gobalada Puntland ay Xaaladooda Nololeed aa u wanaagsan tahay.

Madaxweyne Xasan oo ku Celiyay inuu Waqtigoodu ku Egyahay 2016-ka
Shabaab oo baahiyey in weeraradii ugu badnaa ay ka fuliyeen xaruumaha dowladda iyo kuwa ciidanka
Wiil Somali Ah oo Lagu Dilay Swedan

Axad, November 01, 2015 (Daljir) —Taliyaha Ciidanka Asluubta Booliska Gobalka Mudug Aadan Nuur qaal ayaa ka warbixiyey Xaalada Xabsiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo iyo Maxaabiista waxaana uu sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiga oo laga kala keenay Gobalada Puntland ay Xaaladooda Nololeed aa u wanaagsan tahay.

Taliye Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in Xabsiga ay ka shaqeeyaan Macalimiin isugu jirtah Culimo iyo Maadi waxaana ay Maxaabiista Baraan waxbarashada Diiniga iyo Maadiga iyadoona loo samaynayo dhaqan celin si ay hadhow bulshada wanaag ugula Noolaadaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobalka Mudug Aadan Nuur qaal ayaa u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay in wax badan ka qabtay horumarinta Nolosha Xabsiga Weyn Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa xariga kajaray wado isku xirta laamiga iyo xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo oo looga baxayo baahidii wado ee halkaasi kajirtay , maadama markii hore ay adkayd in si sahlan lagu tago xabsiga , taasi oo sabab u ahayd burbur lixaadleh oo ka muuqday wadadaasi.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: