HomeUncategorized

Kenya oo ka Cabsi qabta weerarro lagu Qaado Jaamacadaha

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Hogaamiyayaasha ardayda jaamacadda MOI ee galbeedka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal kamid ah ardayda jaamacadda uu soo wajahay welwel ay ka qabaan weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab.

Itoobiya oo looga adkaaday Soomaaliya kana digtey in la doorto madaxwyne ka soo jeeda beesha Majeerteen.
Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun – Tacsi: Marxuum Siciid Maxamuud X. Jaamac.
Baahin: Salaasa, Jun 21, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Xukuumada Puntland oo wax lagu xumaado ku tilmaantay dad rayad ah oo lagu dilay Kob-dhexaad; Issimada Puntland oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada aargoosiga ah ee gobolka Bari; Prof. Juriile oo aan ka waraysanay magacaabida R/wasaaraha cusub ee dawlada federaalka ah; 7 qof oo ku dhimatay, 14 kale oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay Muqdisho.

Oktoobar 31, 2015 (Daljir) — Hogaamiyayaasha ardayda jaamacadda MOI ee galbeedka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal kamid ah ardayda jaamacadda uu soo wajahay welwel ay ka qabaan weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab.

Xubno katirsan ardayda jaamacadda MOI ayaa lasheegay inay degeen meel ka baxsan qeybta ay Jaamacada ka dhigtaan ee magaalada Eldoret kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in afar arday oo la waayay ku biireen ururka Alshabaab.

Alex Mbungua, oo kamid ah ardayda dhigata jaamacada Moi ee dalka Kenya ayaa sheegay in Alshabaab ay sheegteen masuuliyada weerarkii 2 April ka dhacay jaamacada magaalada Garisa, taasina ay muujinayso inay weerar kusoo qaadi karaan.

Richard Mibey oo ah kuxigeenka jaamacadda ayaa sheegay in afarta ardayda ee la waayay ay ku hanjabeen iney weerar ku qaadayaan jaamacada Moi, taasi oo cabsi ku abuurtay ardayda dhigata jaamacada.

Kudhowaad 30,000 oo kamid ah ciidamada wadanka Kenya ayaa lageeyey jaamacadda Eldoret inkastoo aysan taasi weli qaboojin cabsida ay ardaydu ka qabaan weeraro kaga yimaada Alshabaab.

By: Abdirashid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: