HomeUncategorized

Jubbaland iyo Federalka oo Heshiis Isboorti kala Saxiixday

Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (Daljir) —Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland waxaa shalay heshiis ku kala saxiixday xariirka kubada cagta dowladda Fadaraalka iyo kan Jubbaland’heshiiskaas oo kusaabsana sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha kubada cagta Jubbaland.

Qareenada Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabay jeedinta dacwadohooda Muranka badda.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamed Laki Man.
DHEGEYSO-Puntland oo dhaqdhaqaaqyo ka bilowday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (Daljir) —Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland waxaa shalay heshiis ku kala saxiixday xariirka kubada cagta dowladda Fadaraalka iyo kan Jubbaland’heshiiskaas oo kusaabsana sidii loo hormarin lahaa ciyaaraha kubada cagta Jubbaland.

Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo maalmahan kusugna magaalada Kismaayo ayaa shalay la kulmay xiriirka kuubada cagta Jubbaland’waxayna kawada hadleen ciyaaraha kuubada cagta Jubbaland iyo sidii xiriirka dowladda fadaraalku u taageeri lahaa.

Shirka ay wada qateen kadib waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab isagoo sheegay inay afar qodob kala saxiixdeen.

Qodobada ay ku heshiiyaan ayaa ahaa 1 in Jubbaladn kuubada cageta uu xiriirka dowladda fadaraalku si deg deg ah ku hormariyo’2 in Jubbaland kuubadeedu hesho xeerarka lagu maamulo kuubada caalamka’3 in lasoo gaarsiiyo fursadaha kuubada cagta ee Caalamka laga helo’4 inay helaan qalabkii cubada Cagta.

Waxaa uu sheegay in bisha soo socota ee Novembar ay bilaabi doonan wax qabadkooda ciyaaraha ee Jubbaland isagoo tilmaamay inay ukala hormarin doonaan sida baahidu tahay.

Xiriirka kuubada Cagta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa inta badan ka howl gala magaalada Muqdisho’ waxaana marar badan ka cowday maamul goboleedyada qaarkood.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0