HomeUncategorized

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Kormeeray Qaar kamid ah Dugsiyada sare ee G.Nugaal

Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (Daljir) —Kormeerkaan uu wasiirka waxbarashada dowladda Puntland ku tegey dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee Alwaaxa iyo Nugaal ayaa waxaa ku weheliyey gudoonka waxbarashada gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah madaxda kale ee wasaaradda.

 Baahin: Salaasa, Feb 15, Weriye Axmed Jokar … Duqa Muqdisho: Muqdisho Ilaah baa u sameeyay Caasimad …Puntland oo laga dhisayo Hoyga Dhaqanka iyo Horumarinta Afka …Tababar loo furay maamulayaasha dugsiyada Puntland …Munaasabadda Xuska Mawliidka oo lagu qabtay meelo ka mida Puntland …
Inta badan suuqii degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo caawa gubtay.
Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo ku dhaawaqey in uu burburey maamulka gobolkaasi. [Akhris …]

Arbaco, Oktoobar 14, 2015 (Daljir) —Kormeerkaan uu wasiirka waxbarashada dowladda Puntland ku tegey dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee Alwaaxa iyo Nugaal ayaa waxaa ku weheliyey gudoonka waxbarashada gobolka Nugaal iyo qaar kamid ah madaxda kale ee wasaaradda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Abshir Ciise Yuusuf  ayaana kormeerkiisa oo ku salaysnaa qiimaynta waxbarashada ka bilaabay dugsiga Alwaaxa oo uu kula kulmay ardayda dugsiga oo xilligaasi u taagnaa kelmaddii daabuurka ee subaxnimo.

Qaar kamid ah ardayda wax kabarat dugsiga Alwaaxa iyo maamulaha dugsiga Macalin Cumar Aadan ayaa ugu horayn hadalo marxabayn iyo soodhoweyn ah u jeediyey waftigaan uu horkacayey wasiirka waxbarashada Puntland.

Pro. Abshir Aw-yuusuf Ciise wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland oo lahadlay ardayda dugsiga ayaa ku booriyey inay ku dedaalaan tacliinta kana shaqeeyaan horumarka iyo ammaanka dalka.

Dhanka kalena wasiirka ayaa booqday dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Nugaal, waxaana ugu horayn uu warbixin kadhegeystey maamulaha dugsiga Cabdalla Saalim Axmed, wuxuuna intaas kadib kormeeray fasalada ardaydu wax ku bartaan.

Kormeerkaan waxbarasho ayaa qayb ka ah dedaalada ay wasaaradda waxbarashadu ku doonayso inay ku ogaato baahiyaha kajira dugsiyada dalka iyo sidii bahda waxbarashada loogu baraarujin lahaa kobcinta tacliinta.

Ugu danbayn, wasiirka ayaa dhagax dhigay xarunta Quudinta ardayda dhigata dugsiyada hoose ee Puntland.

By: Abdirashiid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: